Caalamka oo ku cambaareeyay General Xaftar dagaalka uu ku qabsanayo caasimada Libya

Posted by Valentine Belue on Monday, July 22, 2024

8 Abriil 2019

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkii afartii maalmood ee lasoo dhaafay ka soocnayay qeybo ka mid ah caasimada Libya, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Libya ayaa ku baaqay in labo saacadood oo xabad-joojin bani'aadanimo ah laga hirgeliyo caasimada Tripoli, ayaanan la dhageysan xili dagaalka u dhexeeyo dhinacyada hubeysan uu kasii soconayo nawaaxiga koonfureed ee caasimada.

Inkastoo beesha caalamku ay cambaareysay isku dayga uu ku doonayo Gen Xaftar inuu kula wareego caasimada Libya.

Rabshadaha dhawaan ka bilowday Libya ee halista ku ah dadaalada diblomaasiyadeed ee xal siyaasadeed loogu raadinayo kala qeybsanaan Libya, ayaa ka yaabiyay dhexdhexaadiyayaasha beesha caalamka.

Qoraal uu xalay soo dhigay bartiiisa twiterka xoghayaha arrimaha dibeda Britain Jeremy Hunt, ayuu ku sheegay "inuu waddo kasta umari doono ku dhiiragelinta dhinacyada isku haya Libya inay dejiyaan xaalada kana fogaadaana dhiiga daadanaya", taasi oo uu ka sheegi doono wadahadalada Midowga Yurub ee ka dhacay Barasalis galinka dambe ee maanta.

Dagaalkaan ugu dambeeyay ee gacan ku heynta caasimada Libya ayaa u dhexeeyo ciidamo daacad u ah Gen Khalifa Xaftar oo isagu kasoo horjeedo xukuumada Tripoli, iyo kooxa kale ee sida caadiga ah u taageera xukuumadaasi.

Howlgalka QM ee Libya ayaa shalay ku baaqay labo saacadood oo xabad joojin bani'aadanimo ah, balse dhag jalaq looma siinin.

Walid Elhouderi waxa uu ka tirsan gudiga qaran ee xuquuqul insaanka Libya.

Waxa uuna u sheegay BBC in xaalada Tripoli ay gaartay xalaad halis ah.

Unug ka mid ah ciidamada Mareykanka eek u sugan Libya ayaa sidoo kale laga daadgureyay wadanka, taasi oo muujinysa walaaca laga qabo in dagaalka soo cusboonaaday uu sii xumaado.

ncG1vNJzZmivp6x7o67CZ5qopV%2BovK6ty6JmbW9oaYB0gJM%3D